Duqeymo ka Dhan ah Al-Shabaab oo ka Dhacay deegaano ka mid ah Jubbada Dhexe.

MUQDISHO:-Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe gaar ahaan degmada Saakoow ayaa sheegay in xalay waqti danbe halkaa laga maqlay duqemo ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka.

Duqeymahaas ayaa la sheegay in ay fuliyeen in lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay kooxda al-Shabaab ku lahaayeen degmada Saakow iyo deegaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe.

Warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganaysa masuuliyiin dhanka ammaanka ah ayaa sheegtay in diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn ay duqeymahaas ka fuliyeen Jubbada Hoose gaar ahaan goob ay kulan ku lahayaeen saraakiil ka tirsan al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jug culus iyo dhawaqa madaafiic ay tuurayeen diyaaradaha.

Dowladda Mareykanka iyo howlgalka ciidamada Mareykanka ee AFRICOM midina kama hadlin weerarkaas.

AFRICOM ayaa tan iyo 15-kii bishii bishii January fulisay shan weerar oo dhanka cirka ah kuwaas oo ka dhan ahaa al-Shabaab.

700 oo askari oo ka tirsanaa howlgalka AFRICOM ayaa isaga baxay Soomaaliya kaddib amar ka soo baxay madaxweynihii dhawaan xilka banneeyay ee Mareykanka Donald Trump.

Mareykanka ayaa dowladda Soomaaliya ka gacan siiya la dagaallanka kooxaha argagixsada ah iyo tababarka ciidamada dowladda.