Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Kulan Ka Yeelanaya Xaaladda Soomaaliya.

NEW YORK:-Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu qabanqaabinaya qabashada kulan lagu gorfeynayo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Kulanka golaha oo ah mid albaabadu u xiranyihiin ayaa la sheegay in ay codsatay qabashadiisa dowladda Ingiriiska oo bishan hoggaaminaysa golaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajahaya dhibaato dhanka hoggaaminta dalka ah kaddib markii uu dhamaaday mudda xileedkiisii maalin kahor.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa iyana ku dhawaaqay in aanay mudane Farmaajo u aqoonsanayn madaxweyne maadaama mudda xileedkii loo igmaday uu ka idlaaday sidoo kalena uu ku guul-darreystay in dalka uu gaarsiiyo doorasho loo dhanyahay oo ku dhacda xilligii loogu talagalay.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in weli ay jirto fursad ay madaxda Soomaalidu ku kulmi karaan xal siyaasadeed oo buuxana ay ku gaari karaan.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamullada gobollada ayaa bishii September ayaa magaalada Muqdisho ku gaaray heshiis la xariira arrimaha doorashooyinka hase yeeshee heshiiskaas ayaanan dhaqangelin kaddib khilaaf hareeyay iyada oo sidoo kalena Jimcihii la soo dhaafay uu burburay shir ay madaxdu ku doonayaan in ay arrinkaas ku xalliyaan.