Ciidamada Puntland oo soo qabqabtay ragg lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo Daacish.

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ay ku soo qabteen ragg lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo Daacish.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha Ammaanka ee maamulka Puntland , ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo dadkaas la qabtay, inkastoo aysan tiradooda sheegin.

Saraakiisha laamiga amniga Puntland ayaa sheegay dhawaan inay ku raad-joogaan ragg lala xiriirinayo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo doonaya in ay weeraro ka fuliyaan magaalada Boosaaso.

Dadka la qabtay ayaa haatan lagu hayaa saldhigyada ku yaala Magaalada Boosaaso, kuwaasi oo lagu hayo baaritaano hor leh, iyadoona laamaha amniga ay sheegeen in cadaalada la horkeeni doono dadka falalka amni darada ka geysta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.