Isbedel:Wax lala yaabo ma ahan in Qof uu xil qabto, muddo kadibna uu Qof kale bedelo.

Somaliya haddii aad fiirino Shirkii Dhuusamareeb halkii uu ku dhamaaday, Natiijadii Shirkii shalay ee Baarlamaankii hore, Rajadii Doorashada laga qabay, Dareenka Dadweeynaha, Nabadgalyo xumida Dalka ku baahday, Dhaqaalihii oo hoos u dhacay iyo Shaqa la’aanta, Fashilka Siyaasadda Dibadda iyo Guul darooyin kale.
Haddii intaa iyo in kale la isku geeyo waxaa muuqanee in ey muhim tahay in isbedel uu Dalka ka dhaco. Madaxdii hore ee fursadahooda ka faa”iideysan weeyday, waxaa iyana cad in aan rajo laga qabin in ey xal keenaan, Saacaddii ey sii joogaana ey khatartu sii badanee.
waxaa haboon:
Waxaa haboon in Madaxdii hore ee waqti xileedku ka dhamaaday in ey Xafiisyada Baneeyaan, kadibna Talada Dalka lagu wareejiyo Guurti Somaliyeed oo ka kooban 50 Ruux oo kala ah: Labada Gudoomiye ee Labada Aqal, 5 ta Madaxweyne Maamul Gobaleed, Xubno matalaya Musharixiinta, Xubno ka socdo, ururada Bulshada, Haweenka, Culumada, Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanka, dhaliyarada, Ganacsatada.
kadibna 50 kaa Ruux ee la diyaariyay ey soo diyaariyaan, habka wadanku u badbaadayo iyaga oo ka fogaanayo Faragalinta wadamada kale.
Adigana Maxey kula tahay?
Qore : Yahya Amir