Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka hadlaya Ajandayaal dhowr ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaaday ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in kulan gaar ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa wuxuu yahay Akhinta 3-aad ee wax kabadelka sharciga waxbarashada heerka 1aad, 2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Warbixin ku aadan wax qabadka 100 maalmood ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa xalay waxaa loo diray farrimo ku aadan in Maanta uu kulan jiro, hayeeshee laguma xusin farrinta in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble uu Maanta hortegayo Xildhibaanada.

Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalin kahor hortegay Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoona jeediyay khudbad uu uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada dalka dhacaya.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah uga furmo Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas kusii qul-qulaya Xildhibaanada.

Dhanka kale kulankan Maanta ee Xildhibaanada ayaa kusoo aadaya, iyadoo xalay uu dhammaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Madaxweyne Farmaajo, iyadoona la doortay maanta oo kale 8-dii beshii Febraayo ee sanadkii 2017.