Isbaheysiga uu hoggaaminayo Sucuudiga oo qabtay diyaarad duqeyn rabtay boqortooyada

Isbaheysiga howlgalka ka wado Yemen ee uu hogaaminayo Sucuudiga ayaa sheegay in gantaalladoda lidka diyaaradaha ay qabteen diyaarad kuwa aan duuliyaha wadin oo ku wajahneyd dhinaca boqortooyada.

Diyaaraddaas oo ay soo direen Xuutiyiinta sii loogu weeraro Sucuudiga, Xutiiyiinta weli kama aysan hadlin arrintan.

Balse afhayeen u hadlay isbaheysiga howlgalka ka wado Yemen ayaa sheegay in diyaaradda la doonayay in lagu weeraro dadka shacabka ah ee ku nool gobolka dhaca koonfurta ee Sucuudiga.

Arrintani ayaa imaaneysa maalin uun kaddib markii Mareykanka uu shaaca ka qaaday in uu ka laabtay go’aankiisii ahaa in liiska argagixisada uu ku daray Xuutiyiinta.