Dibadbaxyo ballaaran oo maalintii labaad ka socda Myanmar.

Tobonaan kun oo qof ayaa maalintii labaad dibadbaxyo ka dhigaya waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Yangon xilli militeriga ay isku dayayaan inay hor istaagaan dadka dibadbaxyada dhigaya ee kasoo horjeedo afgembiga militari ee ka dhacay dalkaas.

Dadka waxay ku qeylinayeen hal ku dhigyo ay kaga soo horjeedaan waxa ay ku tilmaameen ‘militariga kaligii taliska ah’.

Halka qaar kamid ah dadka dibadbaxyada dhigaya ay siteen sawirka hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi oo ay militeriga xireen.

Waxay dibadbaxyadan imaanayaan xilli militariga Myanmar ay xireen khadka internet-ka ee dalkaas kaddib markii kumanaan dad ah ay isugu soo baxeen mudaharaadkii ugu ballaarnaa ee looga soo horjeedo afgambigii Isniintii dhacay.