Cismaan Tahliil “Xalka waxaan u aragnaa in sharciga dib loogu laabto” kaddib fashilka shirka Dhuusamareeb

Ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay farta wadnaha kaga hayaan hannaankii dawladnimo ee Soomaaliya oo sida ay sheegeen mugdi galay kol hadii lagu heshiin waayey shirkii madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku lahaayeen Dhuusamareeb.

Waxay sheegeen in ay aaminsan yihiin in ay ma huraan tahay in tilmaan iyo tixraac ba loogu noqdo dastuurka qabyada ah mar hadii la gaadhi waayey heshiis si xalka lagu saleeyo dastuurka.

Guddoomiyaha Ururrada bulshada rayidka ah Cismaan Muxyadiin Shaatax ayaa BBC u sheegay in xalka uu yahay in dib loogu laabto dastuurka si looga gudbo khilaafka harreeyay hanaanka doorashada ee Soomaaliya.