Maxaa dhici kara marka uu dhamaado muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo?

Madaxda Federaalka iyoi maamul goboleedyada Soomaalida ayuu Magaalada Dhuusamareeb uga socdaa shir muhiim ah oo looga hadlayo arrimaha doorashada, xilli muddo xileedka madaxweyne Farmaajo ay ka harsan yihiin saddex maalmood oo kaliya.

Su’aalo badan ayaa la iska weydiinayaa natiijada kasoo bixi karta shirkaas oo ay khasab tahay in ay ku qancaan dhinacyada ay khuseyso siyaasadda Soomaaliya.

Hal qodob oo mar walba lasoo hadal qaado waa midka ku saabsan muddo kordhin.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sida uu dastuurka qabo ay ahayd in ay dhacdo 8-da bisha February, oo ku beegan maalinta Isniinta ah, inkastoo arrintaas aysan hadda muuqanin.

Waxaan xitaa ilaa hadda qabsoomin doorashada baarlamaanka oo sharcigeedu ahaa in ay dhacdo bsihii December.

Muddo kororsi

Maadaama maalinta Isniinta ah waqtiga dastuuriga ah ee dowladda uu dhammaanayo, muddo kordhin loo sameeyo dowladda, waa arrinta ugu horreysa ee qof walba kusoo dhaceysa.

Horay ayuu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in aanu dooneyn in uu waqtiga dheeraysto.

“Waqti kororsi ama muddo ku darsasho runtii wax wanaagsan ma aha. Qof walba oo la doortay, hadduu yahay maamul goboleed iyo hadduu yahay dowladda federaalka waqtiga uu ugu egyahay ma dooneyno in hal maalin loogu daro, maxaa yeelay waxay abuureysaa kalsooni darro, waxay noqoneysaa xarig furtay, haddii qof loogu daro wax celin kara malaha. Sidaas darteed ma aha wax qof loogu dan leeyahay laakiin waa in ay xeer noo noqoto,” ayuu Farmaajo ka yidhi khudbad uu qaranka u jeediyay.

Hase yeeshee, wali tuhunka muddo korosiga meesha kama uusan bixin.

Golaha musharraxiinta mucaaradka ayaa ka digay in xukuumadda federaalka ay sameysato muddo kororsi, taasoo ay marar badanna ku celceliyeen in aysan aqbali doonin.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, oo hadda ah guddoomiyaha golaha musharraxiinta xilka madaxweynaha, ayaa sheegay “in ay ka xun yihiin in xilliga dowladda uu dhammaaday iyadoo aan heshiis laga gaarin doorashada.

Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dhankooda “aysan aqbali doonin wax muddo kororsi ah, tallaabo kasta oo la qaadayana in ay ahaato mid ku timaada wadatashi iyo wada oggol, oo ah heshiis siyaasadeed.”

Hadaba maxaa dhici kara wixii ka dambeeya Isniinta?

Shirka Dhuusamareeb ka socda ayaa laga dhowrayaa in uu kasoo baxo heshiis siyaasadeed oo ku aaddan arrimaha la isku mari la’yahay ee doorashada.

Bale waxaa shaki badan laga muujinayaa in la isku waafaqi karo doorasho xilligeeda ku dhacda, maadaama uu waqtiga gabaabsi yahay.

.

Barfasoor Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ka faallooda siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in waddada furan ay tahay muddo kordhin kooban.

“Labada gole ee baarlamaanka iyo madaxweynuhu waxay ansixiyeen qeynuun dhigaya in baarlamaanka uu sii joogayo ilaa kan cusub ee la doorto uu fariisanayo. Marka su’aashu waxay tahay haddii uu baarlamaanku sii fadhinayo madaxweynuhu ma sii fadhin doonaa?

“Anigu waxaan ku talin lahaa, baarlamaanku hadduu sii joogayo in saddex bilood lagu daro waqtiga dowladda, saddexdaas bilood madaxweynaha qudhiisa in loo daayo inuu messha sii joogo, laakiin shuruud lagu xidho aan laga baxsan karin – oo ah in bisha koowaad lagu doorto Aqalka Sare, bisha labaad in lagu doorto Aqalka Hoose, bisha saddexaad dhexdeedana madaxweynaha lagu doorto,” ayuu yidhi Barfasoor Samatar.

Khamiistii shalay ayuu qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo shirka ka socda Dhuusamareeb, kaas oo musharraxiinta mucaaradka ay sheegeen in aan laga qeyb galinin.

Su’aalaha ku gadaaman sida uu noqonayo mustaqbalka doorashada iyo waxa xiga waxaa laga dhowrayaa natiijada Shirkaas, inkastoo uusan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah, kuwo hore oo dhinacyadu ay isku arkeenna aan xal lagu gaadhin.

Beesha Caalamka ayaa siyaasiyiinta Soomaalida cadaadis ku saareysa in ay hal mowqif isku raacaan, si looga gudbo khilaafka daba dheeraaday ee doorashada.

Xigasho:BBCSomali