Khilaafka Doorashada: Qodobka gobolka Gedo oo wali la isku mari la’yahay!!!.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa wali ka socda shirka madaxdaxwaynayaasha maamul goboleedyada , gobolka banaadir iyo madaxwayanaha dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in qodobada muranka ka taagnaa inta badan is-afgarad laga gaaray, balse wali la isku mari la’ayahay qodobka gobolka Gedo.

Madaxda ayaa xalay ilaa saqdii dhexe wadahadlayay arrinta gobolka Gedo ilaa hadda ma jirto natiijo la shaaciyay inay ka soo baxday.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Maxamed (Falagle) ayaa sheegay in madaxda ay muujin doonaan dadaal ku aadan sidii arrintan xal looga gaari lahaa.

“Qodobka Gedo ayaa arrinta ugu cuslaa isagana xalay goor dambe la isla gaaray , wax war murtiyeed ah-na ilaa hadda kama soo bixin,” ayuu yiri Mr Falagle.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in uu rajeynayo in saacadaha soo socda is-afgarad laga gaari doono.

“Qodobkan (Gedo) waxaan is leenahay saacadaha soo socda in go’aan wax ku ool ah oo umadda Soomaaliyeed ka farxiya laga gaari doono,” ayuu intaa ku daray.

Maxay tahay sababta ay Gedo xuddunta ugu noqotay khilaafka?

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland waxaa u dhexeeya arrimo sababay in khilaafka doorashada uu sii xoogeysto, waxaana ka mid ah arrinta gobolka Gedo.

Dabayaaqadii bishii aanu soo dhaafnay waxaa magaalada baledxaawo ee gobolka Gedo uu dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubaland.

Bilowgii bishii September waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo la xiriiray isla arrintaas ka dib ciidamo in muddo ah isku hor fadhiyay magaalada Beledxaawo oo dowladda ay geysay ciidamo.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku sugan Muqdisho
Kulamadii madaxda maamul-goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo ayey arrintaas hareysay, waxayna ku dhowaatay in ay caqabad ku noqoto heshiis laga gaaro sidii doorasho dalka ay uga dhici lahayd.

Ujeedada waxay tahay sidii ay mowqif mideysan uga gaari lahaayeen arrimaha doorashada ee uu muranka xooggan ka taagan yahay. Laakiin arrinta Gedo ayaa hareysay shirarkii Muqdisho.

Hadda, markale ayey Gedo xudun u noqotay khilaafka la xiriira arrimaha doorashada Soomaaliya, Ka dib markii madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in “ay doonayaan in gobolkaas lagu soo celiyo gacanta maamulkiisa”.

“Annaga ayaa xaq u leh inaan doorashada qabanno, dowladda federaalka ahna waxa ay xaq u leedahay waxay ku qoran yihiin warqadaha aan soo saarnay, meesha aan ku qaban karno ayeyna ku qabsoomi doontaa, inta ka horreysana waxaan filayaa in deegaannada ay gacanta maamulka dib ugu soo noqon doonaan,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Balse, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata in arrintaas aysan aqbalin, waxayna ku adkeysaneysaa in ciidamada Dowladda aanan laga saareyn gobolka, taas oo ah mid uu Axmed Madoobe dalbaday.

Gobolka Gedo ayaa u muuqda inuu xuddun u noqday khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayaan in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.

Xalay ayuu dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jubaland dagaal culus oo sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, horay ayey ugu dagaallameen magaalada ciidan ay dowladda federaalka halkaasi geysay iyo ciidanka Jubbaland, waxayna ka mid tahay goobaha ay Jubaland dalbanayso in ciidanka la geeyay laga saaro.

Magaalada Baledxaawo
Degmooyinka Gobolka Gedo – marka laga reebo degmada Ceelwaaq – dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka, waxaana muuqata in arrinytani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan.

Arrinta kale ee iyana xusidda mudan waxay ah in maamulidda gobolka Gedo ay saamayn ku yeelatay doorashada soo socota iyo meelaha kuraasta qaar laga soo dooran doono.

Labada dhinac ee kala ah Jubbaland iyo Dowladda Federaalka waxa ay u arkaan in gobolkaasi uu miisaan siyaasadeed leeyahay, marka laga hadlo kuraasta baarlamaanka ee gobolkaasi ka soo baxaysa.

“Hannaanka doorasho ee ay ku heshiiyeen madaxda heer federaal iyo heer maamul goboleed, Axmed wuxuu ka ahaa xubin, asagoo runtii matalaadda uu meeshaas ku fadhiyo aysan ku qanacsaneyn inta badan dadka reer Jubbaland haddana wax baa lagu heshiiyay si kastaba ha u adkaadaane waa lasoo dhaweeyay, hadduu ka baxo wixii lagu heshiiyay waa arrin isaga gaar u ah. Gedo Axmed kama hadli karo, isagu gacanta kuma hayo, doorashaduna way ka dhaceysaa Gedo.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan, Wasiirka Kuxigeenka Arimaha Gudaha Jubaland oo BBC Somali u warramnay bilowgii September.

Dhanka kale, maamulka hadda gacanta ku haya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay hadalka ka soo baxay madaxweynaha Jubaland ee ah inaanay doorasho ka dhici Karin Gedo sababo la xiriira in maamulkii uu u magacaabay aanay tagi karin isla markaana aan wali laga saarin gobolka ciidankii dawladda federaalku geysay.

Xigasho:BBCSomali