Khasaare ka dhashay dagaalka Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya u dhaxeeya.

Hay’adda UNOCHA ayaa sheegtay in 30 askari oo Itoobiyaan ah lagu dilay dagaalka u dhaxeeya Canfarta iyo Soomaalida ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay meelo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida iyo Canfarta.

Hayeeshee Jeylaani Cabdi oo u hadlayay Ciidamada Booliska Federaalka Itoobiya ayaa warkaasi waxaa uu ku tilmaamay mid been abuur ah oo si aad ah loo buun buuniyay.

Warbixinta UNOCHA waxa lagu sheegay in dagaalka ay ku barakaceen 29 kun oo qoys, kuwaasi oo hadda la geeyay degaannada Afdem, Erer, Ma’ayso iyo Gablalu.

Dhinaca degaannada  Canfarta ayaa waxaa  la sheegay in dagaalka ay ka barakaceen 30 kun oo qoys oo u badan dad shacab ah, kuwaas oo an qeyb ka aheyn dagaalka.

Soomalida & Canfarta ee dagaalamay ayaa ku muransan saddexda tuullo ee istaraatijiga ah ee Caddaytu, Cundhufo iyo Gadhamaytu oo 2014-kii la raaciyay Deegaanka Canfarta.

Heshiiska lagu bixiyay dhulkan oo ka dhacay Awaash waxa goob joog ka ahaa madaxweynayaasha labada deegaan iyo wasaaradda horumarinta reer guuraaga.

Dawladda Itoobiya waxa ay sheegtay in ay si iskeed ah u baartay xaqiiqada. Waxaana goobahaasi loo diray koox uu hoggaaminayo Melaku Fenta, madaxa baaritaannada u qaabilsan ciidanka federaalka Itoobiya, balse uusan weli shaacin natiijada.