Farmaajo: Seddaxdan arrimood midkood ayaa maanta la gudboon!!!.

MadaxweynahaSoomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta khudbad ka hor jeediya goaha shacabka xilli uu fashilmay shirkii Dhuusamareeb uu kula lahaa madaxda maamul goboleedyada.

Ilaa iyo hadda ma jira heshiis siyaasadeed oo ku aadanqabashada doorashada iyadoo muddo xileedkii madaxweynaha ay 2 maalmood uun ka harsan tahay.

Ma cadda waxyaabaha uu uga hadli doono madaxweynaha khudbadiisa, balse agaasimaha machadka Heritage Cabdirashiid Xaashi ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in madaxweynahaay la gudboon tahay saddex arrimood midkood:

1.Inuu calaacala, qof dhibbane ahna iska dhiga, dalbadana in wakhtiga loogu daro

2.Inuu aqbalo in mudda xileedkiisauu dhammaanaya 8-da Febraaya, islamarkaana u is casilo

3.Ama inu heshiis wada oggol ah la gaara kuwa ay siyaasadda isku hayaan, waxaana u dhiman 36 saacadood

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa xalay fashilka shirka Dhuusamreeb ku eedeeyay qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada.

Cismaan Duube ayaa sheegay inmar haddii la isku mari waayay arrimahaasi waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku taliyay in shir dambe la isugu soo noqdo oo muddadiisa iyo madashiisuba dib laga soo sheegi doono, si wadahadalladu halkaa looga sii wado.