Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dalabka Jubaland oo abaabulkiisu ka socda degmooyin ka tirsan G/Gedo.

Garbahaarey:-Wararka saakay laga helaayo gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo abaabulka banaanbaxyo looga soo hor jeedo dalabka Jubbaland ee ah in la hoos geeyo doorashada xildhibaanada lagu soo dooranayo Garbahaarey.

Weriyeyaasha ka howlgala gobolka Gedo ayaa xalay lagu war-geliyey in maanta uu dhowr degmo ka dhacayo banaanbax uu abaabulkiisa wado maamulka gobolka Gedo ee dowladda taabacsan.

Banaanbayada ayaa maanta ka dhacaya magaalooyinka Beled-Xaawo, Garbaharey, Buurdhuubo, Doolow, Luuq-Ganane, Baardheere iyo Bohol-Garas oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gedo.

Dhanka kale Banaanbaxyada abaabulkooda la wado ayaa looga soo hor jeedaa in gobolka Gedo la hoos geeyo maamulka Jubbaland, waxayna xubnaha abaabulaya banaanbaxyadaas sheegeen inay ku muujinayaan rabitaankooda.