Xildhibaanno loo dhaariyay inay kamid noqdaan Baarlamaanka Puntland.

Muqdisho:-Waxaa la dhaariyay 8 Xildhibaan oo ka mid noqonaya Baarlamaanka shanaad ee Puntland, kuwaasi oo badali doono 8dii Mudane ee ay dhawaan xasaanadda Xildhibaanimo ka qaadeen Baarlamaanka.

Xubno ka socday Maxkamadda sare ee Puntland ayaa gudaha Aqalka Baarlamaanka ku dhaariyay 8dan mudane ee ka mid noqonaya Baarlamaanka Puntland, kuwaasi oo ay guddoonka Baarlamaanka u soo gudbiyeen beelihii ay u matalayeen Xildhibaanadii hore ee xasaanadda lagala noqday .

Xoghayaha guud Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Xidig Warsame ayaa fadhiga Mudanayaasha u soo gudbiyay habraaca meel marinta iyo codsiga ka mid noqoshada Baarlamaanka ee xubnahaani.

Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ayaa mid mid u dhagaystay taariikh nololeedka Mudanayaashan cusub, iyagoo soo jeediyay khudbado taabanayay waxbarashadoodii, Waxqabadyadoodii kala duwanaa iyo codsiyadooda ka mid noqoshada Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa gudo galay inay qodob-qodob uga doodaan Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha, kaas oo ka kooban 36 Qodob.

Akhriso magacyada Xildhibaannada cusub ayaa kala ah;

  1. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ( Afgaduud)
  2. Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax
  3. Xildhibaan Maryan Cismaan Axmed Fangase
  4. Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac
  5. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax ( Abuu baraa)
  6. Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamuud ( Garagoos)
  7. Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax Muuse
  8. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Gurey Mirood