Ardayda dugsiga sare ee Cabdullaahi Ciise oo ka qeyb qaadanaya olalaha dhireynta

Muqdisho:-Ardayda dugsigya sare ee Cabdullaahi Ciise Maxamuud ayaa waxa ay ku dhawaad Boqal geed ku wareejiyeen ururka Horseedka Horumarka oo ah urur isku xilqaamay in ay ka shaqeeyaan dhiraynta deegaannada Gobalka Mudug.

Munaasabada ay ardaydu ku weereejinayeen geedaha ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha ardayda Cabdishakuur Cabdulqaadir Cusmaan iyo Aniso Maxamed Cali oo ka mid ahaa ardayda dugsiga sare ee Cabdulaahi Ciise, waxayna sheegeen in geedahani ay biloowyihiin kaalinta ardaydu ay ka qaadanayaan dhiraynta iyo xoojinta bilicda magaalada Gaalkacyo.

Maamulaha Dugsiga Hoose Dhaxe iyo Sare ee Cabdullaahi Ciise Maxamuud mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cilmi ayaa sheegay in Ardayd iskuulka Cabdulaahi Ciise ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada horumarinta adeegyada ay bulshadu u baahanyihiin, isagoo xusay in ardayda ay door weyn ka qaadanayaan garab istaaga cid kasta oo ka shaqeeyneysa Danaha bulshada.

“Ardayda waxa ay kal hore qaateen tabarucaadda dhismaha waddada isku xirta magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo, taas oo xaqiiqdii ah mashruucii ugu weynaa ee ay bulsho Soomaaliyeed ay u istaagaan in ay ku dhistaan si isku tashi ah, iyagoo wax gacan ah ka heleyn hay’ado ama dowlado maanta mira dhalkeedii uu waxyar ka dhiman yahay, maadaama lagu guuleystay in la dhiso intii ugu badneyd uguna dhibka badneyd waddada” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Gudoomiyaha Ururka Horseedka Horumarka Barre Sheekh Saciid ayaa uga mahadceliyay ardayda iyo maamulka Dugsi Sare ee Cabdulaahi Ciise kaalinta ay ka qaadanayaan dhireynta iyo hagaajinta bilicda Gaalkacyo, isagoo tilmamay in dalkaan dhallinyaradiisu ay isku xilqaameen olalaha guri iyo geed oo ah halku dhiga ururka horseedka horumarka Mudug.

Ardayda ayaa sidoo kale lagu wadaa in Ururada Dhallinyarada Isxilqaamayaasha Gaalkacyo ee Puntland ay gaarsiiyaan geedo loogu talagalay dhireynta magaalada Gaalkacyo, taasoo ah mid muujineeysa isdhax galka iyo horumarka dhanka nabadda ee ka jira Gaalkacyo.