Meydadka dhaqar-qabayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay duleedka Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb:-Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo goordhow warbaahinta kula hadlay duleedka magaalada Samareeb ayaa xaqiijiyay in ay dileen 3-xubnood oo ka tirsanaa Argagixisada Al-shabaab oo uu kujiro horjoogihii kooxda u qaabbilsanaa degaannada u dhexeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Ciidamada ayaa soo bandhigey meydka horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir, waxaa kale oo goobta la keenay dhaawaca nin kale iyo Afar qori oo ay Ciidamadu ka furteen Al-Shabaab oo ahaa kuwii xalay hoobiyaasha ku tuuray xaafado ka mid ah Magaalada.

Howlgalkan oo ay fuliyeen Ciidanka xoogga qeybta 21-aad Guutada 15-aad iyo Ciidanka Gor-Gor ayaa lagu soo af-jaray Kooxdaan oo Al-shabaabka u qaabbilsaneyd arbushidda degaannada hoostaga Dhuusamareeb oo muddooyinkan ay ku dhuumaaleysanayeen.