Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo gaaray Dhuusamareeb .

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhaw gaaray Dhuusamareeb iyadoo lagu wado in halkaas uu ka dhaco kulan looga hadlayo khilaafka ku aadan arrimaha doorashada.

Waxaa horey halkaas gaaray madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Ra’iisu wasaaraha.

Dhanka kale wax loo maleeyay dhawaaqa hobiyeyaal ayaa xalay la sheegay in laga maqlay magaalada Dhusamareeb, halkaas oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta ka qeybgaleysa shirka.

Shirkan Dhusamareeb ayaa looga hadli doonaa ismari waaga ka taagan arimaha doorashooyinka oo in muddo ah uu khilaaf ka tagnaa.