Itoobiya oo Hor-istaagtay Gargaarkii u socday Gobolka Tigray-ga.

ADDISA ABABA:-Guddoomiyaha Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR Filippo Grandi, ayaa dowladda Itoobiya ku boorriyay in ay hay’adaha gargaarka u oggolaato in ay galaan gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas si gargaarka loo gaarsiiyo dadka ay dhibaatada kasoo gaartay dagaalladii gobolkaas ku dhexmaray dowladda iyo xooggaga TPLF.

Filippo Grandi oo booqday xero qaxooti oo ku taalla waqooyiga dalka Itoobiya, ayaa sheegay in inkastoo ay jirto xaalad amni darro, haddana loo baahanyahay in dowladda ay gargaarka u fasaxdo gobolkaas.

“Qaramada Midoobay waxay ka shaqeysaa Yemen iyo waqooyiga Suuriya, waxaana jira hannaan dhisan oo aynu ugu diyaar garownay in aynu wadahadal kula furno dowladda, taas oo durbaba aan bilownay in aynu kala hadalno dowladda, si aynu uga shaqeyno goobaha dagaalladu ka jiraan,” ayuu yiri Filippo Grandi.

Hay’adda qaxootiga caawisa ee dalka Norway ee NRC ayaa iyana sheegtay in dad aad u kooban oo ay saameeyeen dagaallada loo gargaaray.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed oo horay ugu guuleystay billadda nabadda ee Nobel sanadkii 2019, ayaa haatan caalamka kala kulmaya cadaadis iyo in gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan.

Tan iyo bishii Nofembar ee sanadkii hore, xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa dagaal kula jirtay xooggaga TPLF oo mar dalkaas awood badan ku lahaa.

Dad lagu qiyaasay 60 kun ayaa u qaxay dalka deriska ah ee Sudan, halka kuwa kalena la aaminsan yahay in ay ku barakaceen gudaha dalkaas. Inta badan gobolka Tigray ayaa waxaa ka maqan isgaarsiinta.

Laba bilood kahor ayay ahady markii dowladda Itoobiya ay guul ka sheegatay dagaalkii ka dhanka ahaa ciidamada gobolka Tigray haseyeeshee haatan waxaa la soo warinayaa kufsi baahsan oo ka dhacay gobolkaas.

Qaar kamid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkaas ayaa soo sheegay in xadgudubyo galmo ay ka dhaceen dalkaas.