Farta go’an khayr Alla haka dhigo!!! (Faallo Cajiib ah).

Waxaa jiri jiray Nin Wasiir ahaa oo wax kasta oo dhaco hal ku dhag ey u aheyd in uu yiraa: waa khayr.
Maalintii dambe ayaa Boqorkii Fari ka go’day. iyada oo dhiigee ayaa wasiirkii u soo galay, waxa uuna yiri: waa khayr.( F.S: 1aad).
Boqorkii oo xanaaqsan ayaa amray in la xiro Wasiirka.( F.S:2aad).
Boqorka waxaa Caado u aheyd in uu Bishiiba hal mar uu nasasho u aado Dhul Keyn ah oo ey ku noolyihiin Dad cawaan ah oo Sanamyo caabudu. Maalintaasi waxa ey ku beegneyd iyaga oo qabo Xaflad Sannadeed ey mar kasta caadado u aheyd in Qof la qalo taa oo ey u arkayeen Qurbaan Alla loogu dhawaanayo.
Markaan Boqorkii ayaa la saaray Miiskii qaliinka si Qurbaan looga dhigo. Laakin waxaa la arkay in uu Far ka go’an yahay. waxaana la yiri: Naaqus waaye oo far ayuu ka go’an yahay, wax naaqus ahna Alla uguma dhawaan karno, waana la sii daayay.
Isaga oo Faraxsan ayuu ku soo noqday Qasirigiisii Boqortooyada waxa uuna Amray in la soo daayo Wasiirkii. waxa uuna ku yiri: Runtaa ayeey aheyd, khayr ayey aheyd in fartaan iga go’do, haddii eyna iga go’neyn waa la i qalo lahaa.
Boqorkii ayaa weydiiyay: Wasiirkii markii aan amray in lagu xiro, maxaad u tiri: waa khayr?.
Wasiirkii ayaa yiri: Wasiirkaagii ayaan ahay, Sida caadadu aheydna, Haddaanan Xabsi ku jirin, waan ku raaci lahaa, kadibna Badalkaaga ayaa la i Qali lahaa ileyn Annigu Naaqus ma ihi, Farna kama go’ni. Alla mahadii Adigu waxaad ku badbaaday in aad Far ka go’an tahay, Anniguna in aan Xabsi ku jiray.
Akhristoow, Ma taqaan Todobo Dal oo Ajnabi ah oo Sharta ugu badan ee na heysato ey xagooda ka soo maaxato, Farihiina naga jaray ?.
Somalida Dhibta Shisheeyuhu ku hayo, Khayr ey uga gudbaan, Dhib ka daran oo ku dhici lehayd Alla ha nooga dhigo.
Ogoow, Haddaan Iimaankaagu sugneyn, Alla ka cabsiguna kugu yar yahay, Far go’day iyo Fajacisana Alle waa isagu kaa dari karaa.
khayr , Khayr Alla haka dhigo.
Qore: Yahya Amir