Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Dhuusamareeb.

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug halkaas oo lagu wado inuu ka furmo shir ay leeyihiin madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Hirshabeelle waxa garoonka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor  Qoor.

Saaka waxa horey u tagay Dhuusamareeb madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen iyo xubno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka madaxda Soomaaliya ayaa la qorsheeyay inuu socdo sedex maalmood si xal loogu helo khilaafka ka taagan doorashada.