RW Rooble “Waa in aan u midownaa dhammaanteen la dagaallanka arxanlaaweyaasha maalin kasta naga laynayaan..”

R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa cambaareeyay weerarkii lagu soo qaaday Hotelka Afrik ee Mqudisho, kaasi oo ku yaala inta u dhexeysa isgoyska KM4 iyo wadada aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Qoraalka Hoos ka aqriso:-

Waxaan eheladoodii iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday weerarkii argagixisadu ku qaadeen hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho oo uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo dalka iyo dadka muddo dheer u soo adeegay.

Shacabka Soomaaliyeed waxay General Galaal ku xusuusan doonaan kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka muddadii 50-ka sano ka badneyd ee uu ka mid ahaa saraakiishii udub dhexaadka u ahaa CXD.

Waxaan cambaareynayaa falkaas bahalnimada ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna uu dhaqso u bogsiiyo.

Waa in aan u midownaa dhammaanteen la dagaallanka arxanlaaweyaasha maalin kasta naga laynaya haldoorka ee noo diiddan nabadda iyo horumarka.