Qaban-qaabada iyo diyaargarowga shirka Magaalada Dhuusamareeb oo socota.

Muqdisho:- Magaalada Samareeb ee xarunta maamulka Galmuug waxaa ka socanaya Qabanqaabada iyo diyaargarowga Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Amniga magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona sugida amniga ay iska kaashanayaan laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka.

Shacabka iyo Maamulka Galmudug oo isku duuban ayaa u diyaargarowbay sidiii shirkaas si habsami ah ugu dhici lahaa magaalada Samareeb.

Shirkan wadatashiga ah oo socon doona inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021 ayaa waxaa intiisa badan saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in baahi weyn loo qabo in la guda galo qabsoomidda Doorasho lagu heshiiyay.