Midowga Musharixiinta Soomaaliya oo codsaday in laga qeybgeliyo shirka Dhuusamareeb

Midowga Musharixiinta Soomaaliya ayaa codsaday in dhammaan dhinacyada siyaasadda laga qeybgeliyo isla markaana wakhti la siiyo shirka la filayo in maanta uu ka furmo Dhuusamareeb.

“In la ballaariyo gogosha shirka, kana qeybgalaan wakiilo matalaya saamileyda tabashada ka qaba fullinta heshiiska doorashooyinka kuwaas oo kala ah wakiilada gobollada waqooy, Midowga musharraxiinta madaxweynenimo iyo bulshada rayidka” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay golaha midowga musharraxiinta.

Waxay madaxweynaha uga digeen in “shirka uu ka dhex abuuro xiisad si uu marmarsiiyo uga dhigto muddo kororsi”.

Mucaaradka waxay sidoo kale sheegeen in shirkan ay u arkaan mid muhiim ah oo kusoo beegmay xilligii loo baahnaa si looga gudbo muranka ku saabsan qabashada doorashada.