Jeneraal Galaal oo lagu dilay weerarka ka socda Hotelka Afriik.

Muqdisho:-Wararka aan helayno ayaa waxay sheegayaan in Jeneraal Maxamed Nuur Galaal lagu dilay weerarka Al-Shabaab ku weerareen Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee sarkaalkan ayaa ka mid ahaa dadkii galabta ku jiray Hotelka markii ay gudaha u galeen koox aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo in muddo ah ka dhexdagaalamaaay gudaha Hotelka.

Siyaasiyiinta durba ka hadashay dilka Jeneraal Galaal waxaa ka mid ah Xildhibaan Mahad Salaad oo bartiisa Facebook ku soo qoray, “Gen Maxamed Nuur Galaal Allaha u naxariisto. Ehalada iyo asxaabtana samir iimaan Allaha ka siiyoo. Aamiin.”