QM oo soo dhoweeysay shirka madaxweyne Farmaajo isugu yeeray maamul goboleedyada.

Muqdisho:- Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeysay shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ah magaalada Samareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Qaramada Midooobay ayaa Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ku boorisay in ay heshiis isku tanaasul gaaraan si degdeg loogu fuliyo nuucii doorasho ee 17-kii Sebtember.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo oo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la gudagalo qabsoomidda doorashadii lagu heshiiyey waxaa uu soo saaray go’aanno arrimaas la xiriira.

Madaxweynaha ayaa shir isugu yeeray madaxda Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo ka dhacay magaalada Samareeb ee xarunta mamaulka Galmudug, wuxuuna shirkan wadatashiga ah socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021.