Booliiska Soomaaliya oo ku guulaystay inay dad badan ka soo badbaadiyaan Gudaha Hotel Afrik.

War kooban oo ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen Hotel Afrik oo ku yaala agagaarka KM4, wadada aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Duudisho ayaa sheegay in qaraxyada iyo weerarka kadib ay goobta gaareen ciidamada booliska Soomaaliya, islamarkaana waxaa ay gudaha u galeen Hotelka, iyagoona bilaabay inay dadka soo badbaadiyaan.

“Galabta abaare 17:00, ayey argagixisadu weerartay Hotel Afrik, oo ku yaala agagaarka KM4, Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliiska.

Ciidanka Boliiska oo si deg deg ah goobta ku gaaray ayaa gudaha u galay hoteelka si dadka looga badbaadiyo, waxaa laga badbaadiyay inta badan dadkii ku jiray iyaga oo bad qaba, welina howlgalku wuu socdaa”

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka ay soo badbaadiyeen Saraakiil Ciidan iyo ganasato oo ku sugnaa Hotelka weerarka lagu soo qaaday.

Saraakiisha Ciidan ee laga soo badbaadiyay goobta ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Generaal Indhacade, Labo Afle iyo Xuseen Goley oo ah Milkilaha Hoteelka.