Wiil Soomaaliyeed oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Dalka Koonfur afrika.

Alle ha u Naxariistee waxaa dalka koonfur Afrika xalay shil gaari ugu geeriyooday mid ka mid ah Soomaalida ganacsi ahaan u tegay gudaha  dalkaas.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Shariif (Siijuu) ayaa geeriyooday, kadib markii uu la rogmaday gaari uu saarnaa xilli ay ku sugnaayeen  Magaalada Durban Ee Dalkaan Koonfur Afrika.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika iyo qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Magaalada Durban ayaa u gurmaday muwaadinka Soomaaliyeed markii uu shilka galay, hayeeshee dhaawac culus oo gaaray uu u geeriyooday.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali u badan Ganacsato, waxana inta badan Burcad Koonfur Afrikan ah ay kala kulmaan, dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda.