Maxay tahay khatarta cusub ee uu keenay Geela Bariga Afrika?

Cilmi baareyaal ayaa Waqooyiga Kenya ka wada shaqo ay uga hor tagayaan in fayras halis ah – oo noociisu yahay Mers, oo ay qabaan geela uu mar kale usoo gudbo bani’aadanka. Laakiin howshooda waxaa adkeynaya isbaddalka Cimilada.

Waxaa loo maleynayaa in cudurka dilaaga ah ee Covid-19 uu asalkiisii ka yimid xayawaanka, ka hor inta uusan usoo tallaabin bani’aadanka.

Hadda waxay khubaradu ka cabsi qabaan in cudurkan uu noqon karo safmarka xiga ee adduunka kasoo ifbixi kara fayraska corona kaddib.

Boqolkiiba toddobaatan iyo shan ka mid ah cudurrada hadda dhibaatada ku haya dadka waxay markoodii hore kasoo billowdeen xayawaanka, sida ay sheegtay hayad hoos tagta dowladda Mareykanka oo kormeer ku sameysa xanuunnada caalamka ka dillaaca.

Seynisyahannada hayaddan, oo lagu magacaabo Perdict, ayaa durba ogaaday 1,200 oo cudur oo asal ahaan ka yimid xayawaanka.

Balse waxay seynisyahannadu qiyaaseen in ay jiraan ilaa 700,000 oo cudur oo wali aannaan ogeyn halka ay kasoo billowdeen.

Mid ka mid ah xayawananada ay khubarada sida weyn isha ugu hayaan – aadna uga cabsi qabaan – waa geela.

Geela ayaa hanti u ah bulshooyin badan oo ay Soomaalida ku jiraan

Meelo ka mid ah waqooyiga-bari ee qaaradda Afrika, Aasiya iyo Bariga Dhexe, waxaa laga dhaqdaa geela, waxaana loo adeegsadaa cunno ahaan iyo gaadiid ahaan intaba.

Bulshooyin badan oo ay ku jiraan Soomaalida ayuu xitaa u yahay hantida ugu qiimaha badan ee noloshooda.

Hase yeeshee khubarada caafimaadka ayaa ka diga in geela uu dhanka kale keeni karo halis weyn oo caafimaad, sida ay ku ogaadeen baadhitaanno kala duwan oo lagu sameeyay xoolahaas.

“Marka aad hal neef oo ka mid ah lasoo aaddo qalabka baadhitaanka, wuu ku haraantin karaa. Calyo ayuu ku gaarsiin karaa. Kaadidiisa ayaa ku gaadhi karta,” ayey tidhi Millicent Minayo, oo ah cilmi baadhe ka tirsan jaamacadda Washington. Waxay muddo labo sano ah ku mashquulsaneyd in ay tijaabooyin caafimaad ka qaaddo geela iyo xoolo dhaqatada ku nool magaalada Marsabit ee dalka Kenya.

“Qof walba oo geela dhaqda ama xiriir taabasho la sameeya wuu ku dhici karaa cudurka ay qabaan,” ayey tidhi.

Geela ayaa laga qaaday tijaabooyin caafimaad, si loo baadho

“Xanuunkaas” waa nooca loo yaqaanno Mers, oo ka mid ah fayrasyada corona, ilaa haddana waxaa la xaqiijiyay in uu toban jibaar ka halis badan yahay cudurka Covid-19 ee ay hadda la daalaa dhaceyso dunida.

Xanuunkan waxaa markii ugu horreysay dalka Sacuudiga lagu arkay sanadkii 2012-kii. Markii lasoo gaadhay 2016-kii, Hayadda Caafimaadka Adduunka waxay sheegtay “in la xaqiijiyay 1,761 kiis oo ah cudurkan lagu magacaabay Mers-CoV, oo ay ku jiraan ugu yaraan 629 dhimasho oo lala xiriiriyay xanuunkaas”.

Dabayaaqadii sanadkaas, cudur ka dillaacay isbitaal ayaa sababay qeylo dhaan ku aaddan in cudurkan aysan halis ugu jirin dadka geela dhaqda oo kaliya balse uu gaari karo qof walba.

Laakiin maadaama geela uu cudurka wadi karo, halista Mers ee ka dhanka ah bani’aadanka waa mid ay dadka gacmahooda ku sameeyeen.

Isbaddalka cimilada ee ku yimid ficillada ay bani’aadanka sameeyeen ayaa sababaya abaaro baahsan oo horseedaya xoolo dhaqatadu ay isaga tagaan lo’da iyo ariga, iyagoo ka door bidaya geela oo awood u leh inuu muddo dheer u adkeysto oonka.

Taasi waxay keentay in uu bato xiriirka dadka iyo geela, halkaas oo cudurkan uu fursad weyn uga helayo inuu dadka usoo gudbo, uuna si aad ah u fido.

“Sababta aan daraasaddan uga billownay Kenya waa tirada geela ee aadka ugu badan waddankan. Waliba gaar ahaan deegaanada ismaamul goboleedka Marsabit,” ayey tidhi Minayo.

Marsabit waxaa ku nool kaliya 1% ka mid ah shacabka Kenya, laakiin waxaa ku sugan 7% ka mid ah geela guud ahaan Kenya ku nool

Durbaba, iyada iyo kooxda la shaqeyneysa waxay fayraska ku arkeen geela ku dhaqn halkaas. Ku dhawaad 14 neef oo fayraska qabta ayey heleen sanadkii 2019-kii gudihiisa oo kaliya, sida ay sheegtay.

Cilmi baaris dhawaan la sameeyay waxay hoosta ka xaqiiqday in dadka xoolo dhaqatada ah, gaar ahaan kuwa geela, ay halista ugu weyn ku jiraan ama u nugul yihiin cudurkaas.

Hadda khubaradu waxay si deg deg ah sameynayaan tijaabooyin iyo baaritaanno caafimaad oo laga dhex wado bani’aadanka qudhooda, waxayna rajeynayaan in ay ka hor tagaan sidii uu cudurkaas u fidi lahaa islamarkaana u noqon lahaa safmar la mid ah Covid-19.

“Ma garan kartid sida uu noqon karo cudurkan haddii uu bani’aadanka soo gaaro,” ayey tidhi Minayo. ” Ma jirin cid ogeyd in Covid-19 uu sidan safmar uga noqon doono caalamka oo dhan, nolosha malaayiin ruuxna u soo afjati doono. Sidaas darteed, waa arrin fiican in laga hor tago ka hor inta aan daweyn lagu khasbanaanin.

“Ka hortagga wuxuu ka fiican yahay daweynta.”

Fayraska wuxuu la socon karaa caanaha laga liso geela cudurka qaba

Caanaha geela ayey suuragal tahay in uu cudurka soo raaco, sida ay khubaradu sheegeen, waxaana dadka xoolo dhaqatada ah lagu boorriyay in ay iska karkariyaan ka hor inta aysan cabin.

Waddan geelu ku badan yahay

Kenya waxay ka mid tahay dalalka bariga Afrika ee uu ku nool yahay geela ugu badan gobolka.

3 milyan oo neef oo geel ah ayaa ku sugan gudaha Kenya – tiradaasna waxay ku dhowdahay 10% ka mid ah geela ku nool caalamka oo dhan.

Marka laga soo tago Suudaan iyo Soomaaliya, Kenya waa dalka ugu geela badan caalamka.

Sida laga soo xigtay dowladda Kenya, Marsabit waxay hoy u tahay ugu yaraan 224,000 neef oo geel ah. Tiradaas waxay ku dhowdahay tirada dadka ku nool deegaankaas.

Marsabit waa ismaamul goboleedka dhul ahaan ugu weyn Kenya, laakiin waa mid ka amid ah kuwa ugu dadka yar ee waddanka ku yaalla bariga qaaradda Afrika. 1% ka mid ah shacabka dalka Kenya ayaa daggan gobolkaas.

Xigasho:BBCSomali