Shan maamul Gobaleed wixii laga waayo, ma laga raadiyaa Milkiilaha Xalane joogo=Nasashada Jimcaha.Q- 237aad=

1 . Laba Nin oo taagneyd Goobta Basaska laga Raaco, ayaa Baskii oo aan istaagin hor maray, wey ka daba ordeen, Mid ayaa ka gaaray intaan Albaabka la xirn, markii uu galayna Albaabkii ayaa la xiray.
Kii kale oo Baskii ka tagay ayaa Qosol la dhacay. Dadkii ayaa ku yiri: Maxaad ku Qoslee?. waxa uu yiri: Saaxiibkeey Xaafadaan ayuu degan yahay, Laakin Anniga oo Xaafad kale degan ayuu i soo dhaweynayay. ( F.S:1aad).
(Weligaa ma aragtay Qof ku qoslayo Dhibkii kaa soo gaaray wanaag aad isaga u sameeysay)
2. Haddii Oday Seeda guduud ah uu guursado Gabar 17 jir ah oo Bikro is hubto ah, Habeenka ugu horeeyo, Marka uu iridda (albaabka) xirto oo ey aragto Markii ugu horeysay, Hubka uu la soo shir tagay, waxaa ey bilaabee Naxdin iyo Ooyin. Laakin Gabadha ah halyeeyadii ka soo qeyb gashay Dagaalkii 77 iyo kii Jabhadaha wey dhoola caddeynee iyada oo u aragto istakiin, Findhicilka ilkaha. laakin miskiintii kale.waxaad ka maqlee, iyada oo leh: Adeer macaane, walaahi xanuun waaye, isagii: Abaay macaan Babe, walaahi mar kale ku xanuunji maayo.( F.S: 2aad).
(isku Xishooda Odayaasha Saqiira suujiska ah iyo Siyaasiga Dhalinyarada ka dhigto waddo looga faa’iideeyto Ololaha doorashada, Dallacaad beena iyo Rajo Riya ah oo lagu maaweeliyo).
3. Nin ayaa Xaaskiisii u sheegay in ey ku adkaatay in uu Qur’aanka barto, waxaa ey ku tiri: waxaan ku dhaartay haddii aad barato Qur’aanka in aan kuu guuriyo Xaas Labaad, si daacad ahna aan kuugu Aqal geeyo, Aniga oo aan maseyrin, waa igu ballan. Qur’aankii ayuu 6 bilood dusha uga xafiday. markuu u sheegay Guushiisa ayey ku tiri: waxa aan soomay 3 Cisho. kafaara gudka yar..
Ballantii Guurku Halkaa ayey ku dhamaatay, laakin faa’iidadu waa in uu Qur’aankii xafiday. (F.S: 3aad).
( Amaa weligaa lagu yiri: Haddaad Liska gudiga Doorashada soo gudbiso, waan kulmeynaa. kadibna Amaa 3 Cisho laguu soomay).
4. wiil ayaa saaxiibtii ku yiri: Haddii aad Baahato Anna waan bahanayaa, hadaad xanuunsato Anna waan xanuunsanayaa, Haddii aad Ooyso Anna waan Ooynayaa, Haddaad murugooto anna waan murugoonayaa, Haddii aad is disho anna waxaan weynayaa Saaxiibad qaali ah oo ey igu adkaan doonto in aan badalkeeda helo.( F.S: 4aad).
( Dhalin yarooy, Maxaad u leedihiin la’aantaa ma noolaan karo, Adinkoo badalkeeda raadinayo, war Gabdhaha beenta ka dhaafa).
5. Oday ayaa Naag Garoob ah ku waaniyay: intii aad 5 Nin shukaansan leheyd si ey kaaga bixiyaan Kirada Guriga, maad shukaansatid Milkiilaha guriga aad degan tahay.( F.S: 5aad).
( Shan maamul Gobaleed wixii laga waayo, ma laga raadiyaa Milkiilaha Xalane joogo?).
6.Farax ayaa Saaxiibtii Xaliimo, waxa ey u soo dirtay Sawirkeeda iyada oo qaawan, waxaa uu ku yiri: woow, woow, Babe, waxaad leedahay Jir macaan.
Xasan oo dhinac fadhiyay Faarax ayaa ku yiri: Doqonyohoow ma weydiisay Xaliimo, Cidda Sawirka ka qaaday. Markaa ayuu weeydiiyay Xaliimo, waxa eyna ku tiri: waxaa iga qaaday Sawirka, Saaxiibkaa Xassan, sow Adigu ima dhihin, Saaxiibkeey Xassan, waxba kalama qarsano.
( Maxaad kula talin laheyd. Boqol jawaabood waad heeysaa ee noo sheeg. waan hubaa ,Somaalida Faruryahoodu isma qabtaan marka ey wax tirinayaan ilaa ey Tiradu ka gaarto Boqol, Adiguba Hadda tiri.Koow….Boqol, Afka miyaad isku qabatay illaa aad Boqol aad ka gaartay?) ( F.S: 6aad).
Qore: Yahya Amir