Dowladda Mareykanka “Doorashooyin is-barbar socda ma aqbaleyno inay Soomaaliya ka dhacdo..”

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ka hadashay doorashada Soomaaliya ayaa waxay ugu baaqday madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada in ay xiliyaan muranka doorashada.

Mr. James Swan, Special Representative ofthe Secretary-General and Head ofthe United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM)
The situation in Somalia
Report of the Secretary-General on Somalia (S/2019/661)

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga safaaradda ee Twiter-ka ayaa lagu yiri: “Waxaan ka dalbaneynaa Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaasha Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, iyo Jubbaland in ay xaliyaan arrimaha taagan si loo suurtageliyo doorashooyinka nabdoon ee dadka Soomaaliyeed u qalmaan. Ma jiri karaan doorashooyin hal dhinac ah ama geedi-u-socodyo is-barbar socda”.

Dhanka kale Hadalkaan ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli weli uu meeshiisii taagan yahay muranka Doorashada oo lagu wado inay sannadkaan ka dhacdo dalka.