Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Qatar.

Dooxa:– Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax iyo wafdigiisa ku sugan magaalada Dooxa ee xarunta Qatar ayaa la kulmay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Qatar, Khalifa bin Jassim.

Wasiir Duraan iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Qatar Khalifa bin Jassim ayaa ka wada hadlay  iskaashiga wadajir ah ee  dhinacyada Shaqaalaha labada waddan, aqoon wadaaga iyo shaqo abuurka iyada oo loo marayo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale, Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.