Md.Farmaajo iyo Wasiirka Gaashaandhiga Ingiriirska oo ka wadahadlay dhinacyada amniga,dib u heshiisiinta iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Difaaca Boqortooyada Ingiriiska Mudane Ben Wallace oo uu wehelinayay Safiirka Ingriiska ee Soomaaliya Ben Fender.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Wasiirka qorsheyaasha hirgalay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xaqiijisay hannaanka dib u dhiska Ciidamada, amniga, dib u heshiisiinta iyo la dagaallanka Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo kulanka ka qeyb galay ayaa ka warbixiyey wadahadallada miro-dhalka ah ee dhexmaray labada dhinac, iyadoo la isla qaatay adkeynta iskaashiga labada dal ee dhanka Amniga.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta amniga dalka iyo ciribtirka Argagixisada Alshabaab, iyadoo kaashaneysa saaxiibbadeeda caalamka ee ay UK ka mid tahay. Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadidda tababarrada iyo hannaank dib u dhiska ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.” ayuu wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya

Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Boqortooyada Ingiriiska Mudane Ben Wallace ayaa bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada iyo la dagaallanka kooxaha ka soo horjeeda dowladda sida Al-Shabaab.