Guddigii Baarista Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya oo soo bandhigay warbixintoodii.

Guddigii loo xilsaaray inay baaraan sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya faragelin ku hayso arimaheeda gudaha ayna hubeyso maleeshiyad si ay u qalqal geliyaan amaanka wadankan deriska la ah ayaa maanta warbixintaasi ay ku wareejiyeen Ra’iisul wasaaraha Suudaan.

Dr Cabdalle Xamduuk oo isagu ah madaxa shir-guddoon ee urur goboleedka IGAD, ayaa waxaa warbixinta ku wareejiyay Safiirka Jabuuti u fadhiya Suudaan Axmed Cali Barre.