Digniin laga soo saaray wararka la xiriira xaaladda caafimaad ee Abiy Axmed.

Addis Ababa:-Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa dadka isticmaala baraha bulshada uga digay wararka la faafinayo ee la xiriira xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed, kaas oo aan muddo labo isbuuc ah lagu arkin fagaareyaasha.

Hey’adda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku share gareeya wax ay ugu yeertay “wararka marin-habaabinta ah” ee ku saabsan caafimaadka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Digniinta hey’adda sirdoonka NISS ayaa lagu sheegay in wararrada noocaas ah ay khalkhal galinayaan ammaanka wadanka.

Goor sii horreysay ayaa warbixin laga soo saaray xafiiska Ra’iisul Wasaaraha shacabka looga dalbaday in ay ka feejignaadaan “wararka la isla dhex marayo ee aan xaqiiqada ahayn”.

“Waxaan jecelnahay inaan dadweynaha la wadaagno in wararka la isla dhex-marayo ee la xiriira badqabka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay yihiin kuwa been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraal lagu qoray barta Twitter-ka ee Xafiiska ra’iisal wasaaraha.