Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay nin ku fsaday Gabar 8 jir ah, islamrkaana ku dilay Muqdisho.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in la soo xiray nin dhawr iyo labaatan jir ah oo loo haysto kufsiga iyo dilka gabadh yar oo siddeed sano jir ahayd isla markaana ahayd agoon oo ku nooleyd mid ka mid ah xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee ku yaala waddada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.

Kufsiga iyo dilka gabadha yar ayaa dhacay shalay galinkii dambe iyadoo markaa wixii ka dambeeyay booliska wadeen baaritaanka kiiskaasi, iyagoo aakhirkiina galankii dambe shaaciyay in la soo xiray tuhunsane loo haysto falka kufsiga iyo dilka isugu jiray, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sidiiq Aden Cali.

Indhaawalaba xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee duleedyada magaalada Muqdisho waxa ku soo kordhayay kufsiga loo gaysto dumarka xeryahaasi ku jira iyadoo dhawr dhacdo oo laga argagaxo laga soo weriyay todobaadyadii ugu dambeeyay xeryahaasi.