Xarumo Caafimaad oo si isku tashi looga hirgaliyay deegaano hoostaga Gobolka Nugaal+Sawirro

Muqdisho:- Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Madax waaxeedyo ka tirsan wasaarada Caafimaad ka Puntland ayaa kormeer indha indhayn iyo u kuurgalid ah ku tagay Deegaanada Suubaan iyo Warguduud oo ka tirsan Gobolka Nugaal isagoona wasiirku xariga ka jaray dhismayaal kala duwan oo lagu daray laba MCH oo ku kala yaaala deegaanadaasi.

Dhalinyaro, aqoonyahan iyo ganacsato wada jira ah ayaa ku guulaystay in si isku tashi ah ku dhisaan qaybta dhalmada hooyada iyo xaanada Caruurta ee Warguduud taasi oo baahi la taaban karo ay ka jirtay.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa bogaadiyay Bulshada deegaanadaasi iyo isku tashigooda xarumaha caafimaad siina raaciyay in dowladu qaadanayso doorkii qalabaynta iyo helitaanka shaqaale xirfadyahano ah.

Sidoo kalana wasiirka ayaa xariga ka jaray ballaarin lagu sameeyay xaruntii caafimaad ee Suubaan oo horay u bixin jiray adeegyo caafimaad oo kala duwan bulshada deegaanadaasina ballaarin iyo dib u dhis ku sameeyeen.

Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cawil Axmed Jabuuti ayaa dhankiisa arin ku dayasho mudan ku tilmaamay dadaalka bulshadaani iyo kooxdan u istaagtay wax u qabadka bulshadii ay awal ka yimaadeen.