INDHAHA CAALAMKA OO U ARKAY DAGAALKII XUDUUDA MID U DHACEEYA SOMALIYA IYO KENYA:

Dagaalkii shalay ka dhacay xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya waxay sii xoojin doontaa khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dowladood, waxaa kaloo hubaal ah in arinkaas ay hoos tagi doonto Golaha Amaanka Qaramadda Midoobay, Ururka Midowga Africa, Ururka Midowga Yurub iyo dowlado kale oo waaweyn.

Waa maxay sababta?

1- Dagaaladda noocaan oo kale waxay ka soo hor jeedaan sharuucda caalamiga tasoo ah in dowlad in dalkeeda looga duuli karin dal kale oo xur.

2- Dagaalka xuduuda Somali iyo Kenya wuxuu wiiqayaa dadaaladii ay Caalamka ugu jiraan nabadeynta iyo dib u dhiska dalka Somaliya.

3- Dagaalkii xuduuda Somaliya iyo Kenya waxay fursad siineeysaa Al-Shabaab, tasoo caqabad ku ah nabada labada dal.

4- Dagaalkii Shalay waxay ka hor imaaneeysaa nabadeentii ay waday IGAD ee lagu soo heshiiyay shirkii Jabuuti.

Jawaabtii ugu horeeysay ee ka timid Midowga Africa:

Sida ku cad warqadda ka soo baxday hogaanka Midowga Africa Moussa Faki Mohamet, wuxuu yiri:

“ Waxaan aad ula socdaa qalalaasada ka socda xuduuda Kenya iyo Somaliya anigoo ka xun, waxaan ku boorinayaa labada dowladood inay is xakameeyaan oo dib ugu noqdaan wada hadal, ayagoo dhoow’raayo dadaalada nabadeed ay wado IGAD. Nabada xuuduuda u dhaxeeyso Somaliya iyo Kenya aa mid saldhig u noqon kara hurumarka guud ee Gobolka.

“I’m following the tensions on the Kenya-Somalia border with concern, and urge the two neighbours to exercise restraint and engage in dialogue in conformity with the Igad-led process. “Peace on the Kenya-Somalia border is vital to regional stability.”

Arimahaan waxayna tusayaan in dagaalkii Shalay ee Bolo Hawo uu lugaha la galay Kenya iyo Somaliya iyo aduunwaynaha. Waa wax dhici kara in Safiirka u fadhiyo Qaramadda Midoobay Hon. Amb. Abucar Baale uu arintaan u gudbiyo golaha Amaanka tasoo waji kale u yeeli karta dagaalkii shalay.

Wa bilaahi towfiiq

Sheiknor A.Qassim