Dagaalka Beled Xaawo: Kenya oo ka jawaabtay eedeynta dowladda Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa beenisay eedeymaha ay u jeedisay Soomaaliya ee ah inay ku lug laheyd dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Beled Xaawo.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fried Matiangi oo shaley shir jaraa’id qabtay ayaa ku tilmaamay dagaalka Beled Xaawo ‘mid ka dhacay gudaha Soomaaliya’

“Wax lug ah kuma lihiin dagaalka, mana jirin cid ka tirsaneyd ciidamadeena oo u tallaawday dhinaca Soomaaliya, marka ma garan karno waxa ay ugala jeedaan arrintaas, wax lug ah kuma lihiin dagaalka, waa dagaal Soomaaliya dhexdeeda ah ” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Kenya.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe uu ciidamada Kenya ku eedeeyay inay ku lug lahaayeen ‘duullaan la doonayay in lagu qabsado magaalada Beledxaawo’.