Dagaalka Baladxaawo: waa dagaalka sokeeye ee somalia

Tan iyo billowgii 2017-kii markii uu xukunka la wareegay Maxamed Farmaajo waxaa dhagaha Soomaalida hadba ay la kowsanayeen dhacdooyin cusub oo qaarkood ugub ah marka sooyaalka siyaasadeed ee dalka dib loo eego.
Xasaradahaasi ayay dowladda federaalku abuureysay waqti kasta iyadoo aan taariikhdu maanta xusayn muddada afarta sano ah ee madaxweyne Farmaajo uu joogay in aanay jirin hal bil ama badhkeed uu dalka xasilooni siyaasadeed iyo tu amniba uu helay.
Xukunka Farmaajo oo xilli kasta abuuridda xasaradaha siyaasadeed sababteeda lahaa, ayaa ku guul-dareystay wada-shaqeyn uu la yeesho dowladaha xubnaha ka ah, taas beddalkeedana uu siiyay dagaal siyaasadeed oo qaarkood dhiig uu ku daatay.
Xasaradaha dowladda FS ay abuurtay waxaa kamid ah;
1- Tuuristii madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cosoble(Dagaalkii ugu horreeyay)
2- Dagaal siyaasadeedkii madaxweyne Xaaf iyo maamulkiisa Galmudug
3- Weerarkii siyaasiyiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdi Qeybdiid
4- Siyaasaddii dhul gariirka ahayd ee xilka looga tuuray mudane Jawaari
5- Dhiibistii halgamaa Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax ee Itoobiya
6- Doorashadii dhiigga uu ku daatay ee Baydhabo, Koofur Galbeed
7- Isku daygii dhicisoobay ee Kismaayo doorashadii ka qabsoontay dabayaaqadii 2019-ka
8- Siyaasaddii jahwareerka ee lagu sameeyay taliyeyaasha ciidanka(Burburintii NISA, Booliska iyo hay’ado kale oo ciidan), Ihaanadii madaxweyneyaashii hore lagu la kacay iyo bahdilkii lagu eryay Raysal wasaarihiisii Xasan Kheyre
9- Deeqaha Caalamka oo ay isku dayday DFS inay ka xanibto Somaliland
10- Loollanka aan aragtida caafimaad lahayn ee Kenya xidhiidhka ugu goysay dowladda
11- Arrinta gobolka Gedo oo illaa maanta taagan.
12- Qaraxyadii isdaba-joogga ahaa ee dhacay 2017, 2018, 2019, 2020 oo uu ugu weynaa weerarkii Zoobe oo noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee Afrika
13- Khaarajintii ENG Cabdiraxmaan Yariisoow, oo uga dhigan Muqdisho iyo caalamka oo dhan taariikh aan la illaawaynin oo ah in duq magaalo xafiiskiisa lagu dilo, noqotayna dhacdo bar madow ku ah Villa Somalia
14- Dhallinyaradii dowladdu u qaaday Eratariya, oo weli waalidkooda ay ka walaacsan yihiin raq iyo ruux waxa ay ku sugan yihiin iyadoo dowladdu ay iska indha-tirayso walwalka waalidiintaasi
Fallanqayntaydani anigoo farta ku fiiqaya 30 sano in laga joogo berrigii uu dagaalka sokeeye ka billowday Muqdisho ee uu gaadhay Soomaaliya oo dhan 26-01-1991-kii, sow ma odhan karno madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiisa maamulka kula jira in ay mar walba yihiin xaalad abuur  iyo khilaaf joogta ah, islamarkaana dadka u sawiraya xaalado u eg billowga colaaddii uu dalkani ku burburay.
Waxaan u arkaa dagaalka Gedo, in uu qeyb ka yahay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya oo weli socda, miyaanay nasiib-darro ahayn in beelo Soomaaliyeed ay ku diriraan magaalada Baladxaawo, maamulka Farmaajana uu ugu yeedho Jabhado sidii 1991-kii oo dowladdii Soomaaliyeed ku burburtay iyadoo la heshiin kartay shacabkeedii ay jabhadaha ugu yeedhaysay.
Akhriste, ma aaminsan tahay fikradda aan ka hadlayo ee ah, Farmaajo iyo kooxdiisa in ay yihiin xaalad abuur ku dhisan khilaaf oo aynaan ahayn xal abuur ku dhisan xasilooni siyaasadeed?!
WABILLAAHI TOWFIIQ
Waxaa qoray: Danjire Maxamed Maxamuud Nuur (CAALIM)
Espoo, Finland

caalim68@hotmail.com