Maxkamadda CQS oo qaaday Dacwadloo haystola horkeenay rag loo heysto Shabaabnimo.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida  ee Soomaaliya qeybta 27aad ayaa  Maanta oo Isniin ah waxaa la horkeenay rag loo heystay ka mid ahaanshaha Ururka Al-Shabaab.

Ragga oo gaarayay 5 Xubnood ayaa mas’uuliyiinta Maxkamadda waxay sheegeen in laba ka mid ah qirteen inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, halka saddexda kale ay beeniyeen.

Fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 5 eedeysane, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida  qeybta 27aad Garyaqaan Amiin Daacad ayaa sheegay in Fadhiga Maxkamadda uu Maanta intaasi ku egahay, isla markaana Maxkamadda ay Go’aan kasoo saari doonto.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida  ee Soomaaliya qeybta 27aad ayaa   horay waxaa ay xukuno kala duwan ugu riday Ciidamo ka mid ah kuwa dowladda iyo rag ka tirsan Al-Shabaab.