DFS oo war ka soo saartay weerar ay jabhadda Kenya soo abaabushay ku qaadeen G/Gedo.

DFS waxay cadaynaysaa in Jabhaddii fallaagada ahayd ee ay soo hubaysay Dowladda Kenya oo caawa u soo tallowday xuduudda Soomaaliya ayaa soo weerartay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo. CXD ayaa si geesinimo leh ugu jilib dhigay dulankaas sharci-darada ah.