Wasiiraddii Daawo dhireedka aaminsanayd oo uu ku dhacay Cudurka Covid-19.

COLOMBO:-Wasiirka caafimaadka dalka Sri Lanka, Pavithra Wanniarachchi oo u ololeynaysay dawo dhireed la sheegay in lagu daweeyo ama looga hortago cudurka Covid-19, ayaa laga helay fayraska.

Haweeneydan ayaa dhiirrigelin jirtay isticmaalka sharoobbo dhir laga sameeyay, oo uu soo saaray nin sixirrow ah oo sheegay in marka la cabbo sharoobbadaasi ay ka hortageyso fayraskani inta ka hartay qofka noloshiisa.

Dalka Sri Lanka, inta la ogyahay cudurkan ayaa soo ritay 56,076 qof halka 276 qofna ay u dhinteen tan iyo billowgii faafitaanka cudurkan, waxaana bilihii la soo dhaafay soo badanayay dadka uu cudurkani soo ritay.

Wasiir Wanniarachchi ayaa noqoneysa wasiirkii afaraad ee laga helo cudurkan guud ahaan dalkaasi. Dhawaan ayay ahayd markii wasiir kale oo sidoo kale qaatay dawo dhireedkani laga helay cudurkani saf-marka ahi.

Wanniarachchi oo ah wasiirka caafimaadka ayaa dadka hortiisa ku cabtay sharoobadaasi dhirta laga sameeyay, waxa ayna dadka sheegtay in ay ka hortagayso fayraska cudurkan.

Saaxirka soo hindisay sharoobadan oo ka kooban malab iyo lows ayaa sheegay in qaabka loo sameeyo iyo waxyaabaha laga sameeyba uu ku helay riyo/manaam ahaan.

Wasiirka ayaa laga codsaday in ay si iskeed ah isu karantiisho, waxaana sidoo kale is-karantiilay dhammaan dadkii ay xiriirka dhaw la yeelatay.