Xeer ilaaliyihii musuqmaasuqa ku helay xil! Warbixin dhab ka hadal ah


Axmed
Cali Daahir wuxuu ku noolaa Washigton Seattle, waxayna Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladaa u xilsaarteen in Magaalooyinka waddanka Mareykanka ka soo uruuriyo lacag loogu dhisayo Masjidka Magaaladaa, wuxuuna soo uruuriye $ 180,000 wuxuuna ula soo dhuuntay

Gobolka Arizona asagoo qayb ka mid ah Taxi kugatay, sida ku cad warqadda ay Jaaliyadda soomaaliyeed u soo dirtay Madaxda Sare ee Dawladda taasne waxay caddeyn buuxda u tahayin Axmed Cali Daahir lagu aamini karin MASIIRKA UMADDA SOOMAALIYEED.

Axmed Cali Daahir, oo xeer ilaaliyaha qaranka eeDFS ahaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa kusifoobay musuqmaasuq baahsan oo hay’addii uu madaxda ka ahaa ragaadiyay taasoo sababtay in ujeedkii shaqo ee hay’adda xeer ilaalinta qarankauu meesha ka baxo.

Xeer ilaaliyaha musuqa ku soo caan baxay ayaa guryo dhismayaal qurxoon ka dhistay dalka iyo dibadda, iyadoo gudaha dalka la soo sheegayo in shaar dowladeed uu u adeegsaday guryaha uu ka dhistay, gaar ahaan sharciga lahaanshiyahadhulka.

14, July, 2014-ka, ayaa gollihii xukuumadda ee uuhoggaaminayay Cabdiweli Sheekh Axmed cod aqlabiyad leh ugu magacaabeen inuu qabtojagadaasi.

Qaab caynkee ah buu Axmed ku yimixafiiska xeer ilaalinta?

Axmed, meesha kuma imaan Aqoontiisa iyo khibrad uu leeyahay ee waxaa keenay C/lllaahi Carab oo hadda ah Wasiirka Waxbarashada, asagoo u geeyay, Faarax C/qaadir iyo C/kariimGuuleed oo isla ahaayeen  Urur Diimeedka(Dammu Jadiid) islamarkasne ahaayeen labadaugu Tun Weyn Dawladdii Xasan Shiekh.

Axmed Cali Daahir markuu arkay xafiiska in ay joogaan niman ka Aqoon iyo khibrad badan, ahnebuddhiggi Xafiiska, ayuu ka raacdeeye Lix ku-xigeen Xeer-ilaaliye, waxaane kamid ahaa, Dr.Cabdi Cali Shirbow, Dr.Maxamed Xasan iyoDr.Kitaabi wuxuuna xafiiska keensaday wiilal yar-yar ah oo aqootooda liidato,si uu u sameystowuxuu rabo.

Axmed oo xilka soo hayay, illaa markii lagaqaaday oo ku beegan Nov 25, 2019-ka, ayaa kukacay gabbool-fallo ka dhan ah xuquuqdaaadanaha marka laga yimaado wax isdaba-marinta iyo laaluushka uu ka qaadan jiray dadkadacwooyinka u tega xafiiskiisa.

Axmed Cali Daahir, ayaa intii jagadan hayaywaxaa la tuhmaa inuu kaalin muuqata ku lahaadhacdooyin ka hor imaanaya dastuurka, isagooahaa xeer ilaaliyihii qaranka.

1- Dadka argagaxisada u xiran oo uu laaluush kusii daayay qaar badan oo kamid ah
2- Weerarro lagu qaaday aqalka Madaxtooyadaxilligii MW Xasan Sheekh(Weli waxaa la tuhmaa inuu gacan saar la leeyahayAlshabaab)
3- Weerarkii khasaaraha badnaa ee adduunka la fajacay, kaasoo magaalada Muqdisho kadhacay 14-10-2017, in dadkii loo xiray uulaaluush ku sii daayay
4- Weerarro lagu qaaday guryaha rag siyaasiyiincaan ah sida Cabdiraxmaan CabdishakuurWarsame iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
5- Tuuristii madaxweynayaasha dowladgoboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabeelleiyo Galmudug iyo inuu iska indha-tirayweerarkii safka ballaadhan ee lagu qaadaydowladaha xubnaha ka ah dowladda FS
6- Weerarkii aqalka gollaha shacabka, oo uu kagaabsady, isagoo isku heystay inuu yahaywasiir ka tirsan xukuumaddii la tuuray eeKheyre ama la taliye xafiiska Farmaajo kashaqeeya.
7- Dad u badan aqoonyahanno oo qaarkood ay isku dhow yihiin oo uu xabsiyada Xamar kuguray, si aanay jagada ugu cadhiidhinmaadaama xilku yahay 4.5(Awood qeybsigaxukunka)
8- Dhiibista Halgamaa Cabdikariim MuuseQalbi-Dhagax oo si gaar ah uu kiiskiisa kalashaqeynayay dowladda Itoobiya
9- Amarkii madaxweynayaasha looga celiyay in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha eeMuqdisho
10- Weerarradii lagu qaaday warbaahinta xortaah ee Muqdisho sida Idaacadda Shabeelle, Kulmiye, Simba, Risaala, Goobjoog iyo kuwakale, xarigga saxafiyiin iyo dad u dhaqdhaqaaqa bulshada
11-     Iyo tacaddiyo kale oo badan oo qaarkood la sheegay in rag ka shaqeeya xafiiska ay u geysteen gabdho masaakiin, hayeeshee uusanmaalinna su’aalin.

Arrinta la yaabka leh, waxaa weeye in xeerilaaliyaha musuqa Axmed Cali Daahir uumadaxweynaha xilka ka sii idlaanayo ee MaxamedFarmaajo uu u soo xushay inuu noqdo safiirkamidowga Yurub ee Soomaaliya(EU).

Arrintan ayaa salka ku heysa, Kiiska baddaSoomaaliya oo uu dhowrkii sano la socday islamarkaana Axmed Cali kala shaqeynayay dowladdaKenya sidii ay ugu guuleysan lahayd kiiskaasi.

Axmed Cali Daahir oo dhalasho Kenyaati ah heysta, ayaa dowladda Kenya ku amartay inuuarrintaas kala shaqeeyo, maadaama uu yahaymuwaadin kamid ah muwaadiniinteeda.

Farmaajo ayaa Axmed ku abaalmariyay jagadancusub ee ah safiirka midowga Yurub, iyadoo dad badani walaac hor leh uu ku beeray.

Masuulka caynkaasi ah, oo mudan in lagumaxkamadeeyo sida uu u khiyaanay dastuurkadalka u degsan islamarkaana ugu xadgudbaysharciga in xil sare abaal-gud looga dhigo, waxaaay wiiqeysaa rajada shacabku ka qabo helitaankadowladnimo taam ah oo Soomaaliya kahanaqaadda waqti xaadirkani.

Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee dalka gudahaiyo dibadda ku nool, ayaa arrintan u arka, in ay tahay mid kooxda Villa Somalia ay haadaan ugatuurayso xalka kiiska badda Soomaaliya.

Allaa Soomaali u maqan, Magan Alla!

Waxaa Diyaariyay: Guddiga madaxabannaan ee la dagaallanka musuqmaasuqa Soomaaliya