Lt. Col. Deo Akiiki “Al-Shabaab waxaan ka dilnay 189-xubnood howl-gal aan ka fulinay degaanka Siigaale..”

Muqdisho:-Afhayeen u hadlay Ciidanka Uganda ee qeybta ah Ciidanka AMISOM oo lagu magacaabo Lt. Col. Deo Akiiki, ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka dileen 189 xubnood, kadib howl-gal ka fuliyeen degaanka Siigaale oo ka tirsan Shabeellada hoose.

Howlgalkan oo ay qeyb ka ahaayeen Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo qabtay Laba xubnood oo ka tirsan horjoogayaasha Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale burburiyay Gaadiid dagaal oo ay lahaayeen Argagixisada.

Ciidamada wada jira ayaa sidoo kale howl-gallo ballaaran oo lagu baacsanayo cadowga ka sameeyay degaanno badan oo ka tirsan Shabeellada hoose.