Soomaaliya iyo Eritrea: Ma qarda-jeex baa in warqad loo diro madaxweyne Farmaajo?

Guddiga Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ee Baarlamanaka Soomaaliya wuxuu soo saaray warqad uu madaxweynaha, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha xukuumadda, guddoomiyaha baarlmaanka iyo Taliyaha guud ee ciidamada, uga codsanayaan in ay cadeyaan halka ay ku suganyihiin dhallinyarada la sheegay in tababar loogu qaaday Eritereya, iyo in lala hadashiiyo waalidiintooda.

Walaaca ku aadan dhallinyaradan ayaa yimid ka dib amrkii ay soo bexeen warar sheegaya in qaarkood “lagu laayay” dagaalkii ciidamada dowladda Itoobiya ay la galeen maamulkii Tigrayga, waxaase arrinatasi beeniyay dowladda Soomaaliya.

Haddaba xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble waa guddoomiyaha gudiga Arrimaha Gibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee baarlamanaka Soomaaliya. Waa qofka soo saaray warqadda loo diray madaxda dalka.

Wuxuu BBC uga warramay sababta warqaddaas loogu diray Madaxweyne Farmaajo iyo in waxa keenay in uu u diri waayo wasaaradaha ay quseyso ee Gaashaandhigga ama Arrimaha dibadda.