Kenya:- Al-shabaab oo Bur buriyay Shirkad Isgaarsiin oo ku taala Mandheera

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Magalada Mandheere Cali Ibraahim Roba ayaa waxaa uu kaga hadlay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen shirkad isgaarsiineed ee ku taalla magaaladaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarka uu dhacay deegaanka Sarmaan Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Mr. Roba ayaa sheegay in goobta uu weerarka ka dhacay uu 20km u jiro Xaduudka Soomaaliya, isla markaana koox hubeysan ay burburiyeen Xarun Shirkad Isgaarsiineyd.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in wax khasaaro uusan ka soo gaarin shaqaalaha shirkada isgaarsiineed ee la weeraray, isagoona sheegay in heegan buuxa ay ku jiraan ciidamada Kenya, si ay ugu hortagaan weerarada Al-Shabaab