International Economy and Africa. (Dhaqaalaha Caalamka iyo Afrika).

Horaantii January 2021, waxaa Maamulka iyo Ardayda Jaamacadda Hormuud ee Mogadishu ey iga Codsadeen Cashar ku saabsan Mowluuca Sare, waxa ey aheyd markii iigu horeysay oo aan xaruntooda tago, horena qof ugama aqoon.
Hordhac.
Casharka oo soconayay Muddo 2:30 Saac ah, waxaa Jaamacddu ey Qeybtaan ku soo koobay 1/3 waqtigii hore, Qeybo badan oo muhim iigu muuqday ayaa ka maqan, sida aad ka dareemi karto Su’aalaha. Aniga waxa ey ii soo direen qeybaha maqan oo Clips kala go’goan ah, laakin Anigu ma aqaan farsama ahaan sida la isagu xirxiro.
Ogoow, Caalamka waxaa jira Xaqaa’iq badan oo inta badan laga qariyo Taariikhda iyo Aqoonta dadka eyna tahay in aad ogaato, waan hubaa in ey kula noqonee wax aan jirin, bacdamaa lagaa qariyay lana raad tiray taariikhdaa oo aadan Aamini karin sida: waqtigii ey Afrika gumeeysan jirtay Qaaradda Yurub. mar ayaan si buuxdo uga hadli doonaa, Haddii Alla idmo.
qeybaha ka maqan Casharkan oo ah 2/3 waxaad kala xiriiri kartaa Jaamacadda haddii aad u baahato.
FG: wixii iga khaldan iga sax, wixii iga dhimanna ku dar.
Cashar bixiye: Yahya Amir