Mareykanka iyo Soomaaliya: Shan ka mid ah weerarradii ugu cuslaa ee lala eegtay Al-Shabaab tan iyo 2008-kii.

Dhammaan ciidamada Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa bishaan ka baxay gudaha dalka Soomaaliya . Taliska milatiga Mareykanka ma aysan faahfaahinin sababta Soomaaliya looga saarayo ilaa 700 oo ka mid ah askartooda oo aad u hubeysan, laakiin waxay sheegeen in Mareykanku uu sii wadi doono garab istaagidda Dowladda Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Islaamiga ah ee Al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ee ugu dambeeyay ayaa gudaha Soomaaliya galay sanadkii 2007-dii, howshooda ugu weynna waxay ahayd in ay ciidamada dowladda federaalka ka caawiyaan dhinaca tababarka.

Hase yeeshee, ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dilay tiro ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab oo ay ku bartilmaameedsadeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn, maraakiibta gantaallada tuura iyo xitaa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo weerarro qorsheysan fuliyay.

Aadan Xaashi Ceyrow

Saraakiisha Al-shabaab ee duqeymaha Mareykanku ku dilay waxaa ka mid ahaa Aadan Xaashi Ceyrow, hogaamiyihii Shabaab oo bishii May sanadkii 2008- dii lagu dilay magaalada DhuusaMareeb oo hadda caasimad u ah maamulka Galmudug.

Dhawr iyo toban qof oo kale ayaa la sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen, iyadoo qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeen u hadlay Taliska dhexe ee Mareykanka oo la yiraahdo Captain James Graybeal ayaa xiligaas xaqiijiyay in weerar lagu qaaday waxa uu ugu yeeray saldhig Alqaacida oo ku yaalla Soomaaliya, laakiin waxaa uu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo.

Salex Nabhan

Salex Cali Salex Nabhan oo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee Al-shabaab ayaa isna lagu dilay weerar Maraykanku ku qaaday baabuur marayay meel u dhow degamada Baraawe ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Mareykankahorey ayuu sheegay iney ka go'an tahay inuu Alshabaab ka cirib tiro Soomaaliya

Dhowr diyaaradood oo helicoptero ah, ayaa qaaday weerarkaas oo la sheegay in ay ku dhinteen dhowr qof, iyadoo weerarka lala bartilmaameedsaday Saleh Cali Saleh Nabhan.

Weerarkii Xasan Turki uu ka badbaaday

Horaantii 2008-dii diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeeyay Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi oo loo yaqaanney Xasan Turki hase yeshee wuu ka badbaaday.

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa 2012-dii sheegtay in ay siin doonto lacag gaaraysa 3 milyan oo doolar Mareykan ah cidii keenta macluumad ku saabsan Xasan Turki.

Bashiir Qoorgaab

Mareykanku wuxuu la xiriirinayay weeraradii lagu qaaday safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daaralasaam.

Bishii Maarso ee sannadkii 2020-kii duqeyn cirka ah oo ka dhacday Soomaaliya ayaa lagu dilay taliye sare oo ka tirsanaa ururka al-Shabab.

Mareykanka ayaa hore usoo bandhigay abaalmarin dhan 5 milyan oo doolar oo la siinayo qofkii isna soo sheega meesha uu ku sugan yahay Bashiir Maxamed Qoorgaab.

Inkasta oo xiligaas aaney ka hadlin Shabaab haddana qoyskiisa ayaa xaqiijiyay geerida Qoorgaab.

Wuxuu Al -shabaab u qaabilsanaa weerarrada lagu qaado saldhigyada milatariga, wuxuu sidoo kale ku lug lahaa howlgallo laga fuliyay Kenya.

Axmed Cabdi Godane

Bishii Sebtembar sanadkii 2014-kii Al-Shabaab ayaa sidoo kale xaqiijisay dilkii hoggaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane, oo Mareykanku ku dilay weerar dhinaca cirka ah oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya.

Tiro aan la cayimin oo ciidamada Mareykanka ah ayaa la geyn doonaa dalalka dariska ah si ay u fuliyaan howlgallo xuduud ka tallaabid ah

Godane (oo Abuu Zubeyr ay u garanayeen Al-Shabaab), wuxuu ahaa ninkii badalay Aadan Xaashi Ceyrow wuxuuna ahaa muddo hoggaamiyaha Al-shabaab.

Saraakiisha kale ee ka tirsanaa Al-shabaab ee dowladda Mareykanku doondooneysay isla markaana la dilay waxaa ka mid ahaa Mahad Maxamed Karatey oo lagu dilay duqeyn lala beegsaday xerada Nadaris ee ku taalla inta u dhaxeysa Bu’aale iyo Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Raggii kale ee Mareykanku raadinayay balse ciidamo kale ay dileen

Dilkiisu wuxuu dhacay sanadkii 2016-kii bishii Febaraayo waxaana sheegtay diilkiisa dowladd Kenya. Mahad Karatey wuxuu ahaa madaxii sirodonka Al-Shabaab.

Sanadkii 2016-kii sidoo kale Maxamed Maxamuud Cali (Dulyadeyn), ayaa la sheegay in lagu dilay howlgallo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada dowladda dhexe Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland.

Dulyadeyn ayey dowladda Soomaliya u haysatay weeraro badan oo dad ku dhinteen, halka dowladda Kenya-na ay ku eedeysay weerarkii jaamacadda Gaarisa.

Xigasho:BBCSomali