Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo maanta dib ula wareegtay Saldhig AMISOM ka guureen Deegaan hoos taga Qoryooley.

Qoryooley:-Wararka laga helaayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay isaga baxeen deegaan istiraatiiji ah oo ku dhow degmada Qoryooleey.

Ciidamadaas oo ahaa kuwa Uganda ayaa sida la sheegay waaberigii hore ee saakay isaga baxay saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Mashalaay oo u dhaxeeya magaalooyinka Qoryooleey iyo Buula-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dadka deegaanka Mashallaay ayaa sheegay in wax yar kadib markii ay baxeen ciidamada AMISOM ay deegaanka soo galeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka aan maanta ka helayno deegaanka Mashalaay waxay intaas ku darayaan in Al-Shabaab markii ay la wareegeen ay isugu yeereen dadka deegaanka, isla markaana ay kula hadleen goob fagaare ah.

Dhanka kale Sanadkii 2014-kii ayay aheyd markii ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay Al-Shabaab dagaal uga qabsadeen degmada Qoryooleey iyo deegaanka Mashalaay oo hoos taga, balse maanta ayey ciidamadu soo baneeyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaankaas, oo isku xira isu-socodka maaalooyinka Qoryooleey iyo Buula-Mareer.