Ma xasuusataa?. Ma ogtahay? Ogaal wadaag!!!.

(Lubnaan, Dekadeeda Qarax ka dhacay ayaa Galaaftay Nolol iyo Hanti, Adiga taa ka daran ayaa Alla kaa Badbaadiyay)
1. Ma xasuusataa?
August 1985 Markabkii la dhihi jiray: MV Ariane oo siday 16.000 Tan Xamuul dhan oo ku dhax jiray 100 Konteenar, Xamuulkaa 650 tan oo ka mid ah ey aheyd Sun Kiimiko oo khatar ah, waxa uu ku janjeersaday Dekadda Mogadishu agteeda, meel Dhowr Boqol oo Mitir oo kaliya u jirto Xeebta Xamar weyne iyo Xamar Jab Jab.
Todobo Konteenar waxaa si toos ah ugu jiray Sunta kala ah, Traethylead ( TEL), Sodium Pentachlorophenate, (SPCP) oo khatar u ah Noolaha Badda iyo Berriga.waxaa kale oo Markabkaa saarnaa: Malathion, Sodium Salfide, Hexama, DDT iyo Kimiko kale oo khatar ah. ( F.S:1aad).
Musiibo ayeey Noqon laheyd haddii Markabkaasi uu Degi lahaa, Lakin Alla mahadii, gurmad deg deg ah ayeey sameysay Dowladii Somalida ee waqtigaa jiratay, iyada oo si deg deg ah ula kaashatay Hayado UN-ka, khubaro ka tirsan Shirkadaha wax Badbaadiyo iyo Dowlado aan Saaxiibo aheyn, taasi waxa ey suura galisay in la badbaadiyo Markabkii, Dadkii Deganaa Xeebaha Magaalada Mogadishu iyo Noolihii Badda ku jiray.
Ma ogtahay?
Maalin kasta Marin Badeedka Xeebaha Bariga Africa waxaa maro 225 Maraab oo Shidaalka Ceyriin qaado . waxa eyna kala maraan Labo Waddo Marin badeed:
1. Maraakiibta qaadi karto wax ka badan 200.000 kuwaa oo sii maro kofor Afrika kuna sii jeedo Yurub iyo Mareykanka.
2. Maraakiibta miisaanka dhexe ee 20.000 -100.000 tan qaado. waxa ey shidaal Ceyriin geeyaan warshadaha lagu sifeeyo Shidaalka ee ku yaal Koofurta iyo Bariga Africa, Sida Comoros, Seychelles iyo Mauritius. waxa ey geeyaan illaa 22 Million Ton.
Dhibaatada la hubo ayaa ah, Marka Shidaalkaa ey Geeyaan waxa ey soo Noqdaan iyaga oo Faaruq ah, si ey u soo qaadaan Shidaal kale, Haamaha Maraakiibtaa Oil Tankers -ka, waxaa lagu nadiifiyaa oo lagu dhaqaa Biya Badeedka Somalida ka hor inta uuna soo qaadin Shidaal kale oo ceyriin. Bacdamaa wadamada kale ey u diideen meel u dhaw Biya Badeedkooda, kadibna si Sharci daro ah ey u doorteen Dhinaca Badda Somaliya.
Wasakhdaa Shidaalka waxa ey dhibaato weyn u geysan kartaa Noolaha Badda sida meela badan ka dhacday (F.S: 2-8aad).
Hadda ka Hore Sannadkii 1984 Somaliya waxa ey ka codsatay UNEP in wax laga qabto Dhibaatada deegaan ee Biya Xeebeedka Somalida UNEP waxa ey la kaashatay Heyadaha kala ah: ESCWA, FAO, UNESCO, IMO, IAEA, IUCN , Xaqaa’iq Badan ayeey ka diyaariyeen 7 Khabiir oo ku howlanaa Dhowrista Deegaan Badeedka Somalida. laakin hadda ma heysano Khubaradii ama farsamdii lagu nafiifin lahaa Badda kumana dadaalin in aan Raadino (F.S:10-14aad )
Haddii aan laga taxadarin Maraakiibta Haamankooda Shidaalka ku Nadiifiyo Biya Xeebeedka Somalida, waxaa dhacayo wixii ka dhacay Dar as Salaam Jan.1981 markii Markab siday Shidaal dhan 100 tan uu ku Shidaalkiidii ku fatahay Badda, taa oo saameeysay Cimiladii illaa Keymaha Mangrove , sidoo kale dhibaatadii Deegaan Badeedka ee ka dhacday Mombasa July 1988 markii ey ku fatahday 4.800 tan oo shidaal ah.
Maantaba Xeebaha somaliya meel kasta waxaad ku arki kartaa Muuqaal Shidaal wasaqeeyay Oil pollution.
Tallo Jeedin.
Waxaan soo jeedin lahaa in Laga Hortago wixii suura gal ah, Maraakiibta Oil Tankers-ka lagu dhaqo Badeena oo Dowladihii kale ey diideen, iyo in Heshiisyada Shidaal Qodida sida Sharciguba noo ogol yahay lagu daro Dhowrista Deegaan Badeedka.
FG: wixii ka dhiman ku dar,wixii aan khaldayna iga sax.
Qore: Yahya Amir